Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib markii dhaq-dhaqaaq ciidan oo u dhexeeya labada dhinac laga dareeyay magaalada Muqdisho Golaha ayaa daan-daansi ku tilmaamay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladd
Waxayna sheegeen inay ciidamo dul-dhigtay guriga Sheekh Shariif
Waxayna sheegeen inay ciidamo dul-dhigtay guriga Sheekh Shariif oo ku yaalla aagga hoteel Jasiir, gaar ahaan waddada aada dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ayaa ka digay in dagaal lagu qaado Sheekh Shariif, wuxuuna goluhu tilmaamay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhasha uu qaadi doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu abuurayo xiisado horleh
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u canbaaraynayaa falalka daandaansiga iyo been abuurka ah ee lagu sameynayo Madaxweyne Xildhibaan hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, oo maalmihii la soo dhaafay hoygiisa la dul dhigay ciidamo hubeysan, kuwaas oo carqaladaynayay howl maalmeedkiisa, khatarna geliyay amnigiisa. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ka digayaa cawaaqibka ka dhalan kara falalka daandaansiga iyo argagaxa gelinta ee qaar ka mid ah hay’adaha amniga ay ku hayaan hoyga Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed
Wuxuuna caddeynayaa in mas’uuliyadda uu qaadan doono Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Xasan Shiikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraalka dhinaca kale,Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntand ayaa sheegay madaxweynaha ay ka sugayeen inuu diiraddda saaro sidii looga miro-dhalin wada-hadallada u socda labada dhinac, si dalka loogu jiheeyo doorasho heshiis lagu yahay, balse uu hadda u weecday waddo uu ku banneysanayo dhiigga mucaaradka
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waxaa laga sugayay in uu dalka u jiheeyo wadahadalo dhab ah oo laga galo sidii dalka doorasho heshiis lagu yahay uga dhici lahayd, waxaase wax laga xumaado ah in uu hadda ku socdo waddo uu ku bannaysanayo diigga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xubnaha Mucaaradka, isaga oo hay’adihii amniga u adeegsanaya si sharci darro ah,” ayaa lasii raaciyay bayaanka
Waxa kale oo uu guluhu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu joojiyo tallaabooyinka daandaansiga ah ee horseedi kara isku dhacyo, abuuri karana khatar amni, isla markaana uu jeesto heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka shalay ayaa si weyn caasimada looga dareemay xaalad kacsanaan, kadib markii ay isku dhici gaareen ciidamada Hay’adda NISA iyo kuwa kuwa taabacsan Sheekh Shariif, waxaana weli labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir


0 Comments