Mareykanka oo Soomaaliya ku soo rogay shuruudo cusub oo la xiriira amniga dekedaha

Mareykanka oo Soomaaliya

 Ilaalada Xeebaha Mareykanka (U.S. Coast Guard)

 Ilaalada Xeebaha Mareykanka (U.S. Coast Guard) ayaa Soomaaliya ku dartay liiska dalalka aan buuxin shuruudaha amniga la-dagaallanka argagixisada ee dekedaha, taas oo keentay in maraakiibta ka soo baxda dekedaha Soomaaliya lagu soo rogo shuruudo amni oo dheeraad ah marka ay ku sii jeedaan Mareykanka

Go'aankan ayaa lagu shaaciyey ogeysiis rasmi ah

Go'aankan ayaa lagu shaaciyey ogeysiis rasmi ah oo lagu daabacay Diiwaanka Federaalka Mareykanka (Federal Register) 27-kii Oktoobar 2026, iyadoo la raacayo qiimeyn ay sameysay Ilaalada Xeebaha Mareykanka oo ku saabsan habraacyada amniga dekedaha Soomaaliya hay'adda ayaa sheegtay in ay qiimeysay in Soomaaliya aysan hadda si wax ku ool ah u ilaalin tallaabooyinka amniga ee looga hortago falalka argagixisada ee dekedaheeda

Sidaas darteedna ay go'aansatay in maraakiibta ka soo baxda

Sidaas darteedna ay go'aansatay in maraakiibta ka soo baxda dekedaha dalka ee u socda Mareykanka lagu soo rogo shuruudo gaar ah oo ku saabsan amniga iyo gelitaanka dekedaha Mareykanka tallaabadan ayaa lagu saleeyey awoodaha sharciga ah ee ay siiyeen Xeerka Amniga Gaadiidka Badda (Maritime Transportation Security Act) iyo sharciyada kale ee la xiriira ilaalinta amniga dekedaha

Soomaaliya ayaa hadda ka mid noqotay 24 dal oo Mareykanku ku qiimeeyey inaysan dekedahooda ka hirgelin tallaabooyin wax ku ool ah oo lagula dagaallamayo argagixisada. Dalalka kale waxaa ka mid ah Iiraan, Ciraaq, Liibiya, Suudaan, Suuriya, Yemen, Venezuela, Waqooyiga Kuuriya iyo dalal kale

Ogeysiiska ayaa sidoo kale caddeynaya in go'aankan uu dhaqan galay 27-kii Oktoobar 2026, iyadoo uu saxiixay Admiral Nathan A. Moore, oo ah ku-xigeenka taliyaha hawlgallada ee Ilaalada Xeebaha Mareykanka

Go'aankan ayaa muujinaya in maraakiibta ka imanaya Soomaaliya ay wajihi doonaan hannaan amni oo dheeraad ah marka ay yimaadaan biyaha Mareykanka, inkastoo ogeysiisku uusan faahfaahin dhammaan tallaabooyinka gaarka ah ee laga doonayo maraakiibta

Post a Comment

0 Comments