Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali
Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka falceliyay gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan casuumaad u diray Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar, 2026
Cosoble oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay
Cosoble oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in aan xal buuxa la gaari karin, haddii aan la hein dhex-dhexaadin caalami ah, isaga oo dalbaday in wada-hadallada cusub ay goobjoog ahaadaan wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha magaaada Muqdisho xidhibaanka ayaa ku eedeeyay Villa Somalia in ay dooneyso inay ku adkeysato mowqifkeeda doorashada, iyaguna ay rabaan in si daah-furan looga wada-hadlo hannaan doorasho oo loo dhanyahay
Dad badan ayaa na soo weydiiyay gogosha ay ku baaqday
Dad badan ayaa na soo weydiiyay gogosha ay ku baaqday Xukuumadda iyo taliska waqti dhaafka ku jooga xukunka. Arrintaas waxaan ka dhihi lahaa: Maadaama gogol kasta oo gudaha ah ay hoggaanka Dowladda Federaalka u isticmaalayso adkaynta mowqifkeeda doorasho, waxaa muuqata inaan xal laga gaari karin khilaafka taagan iyadoo aan la helin dhexdhexaadin caalami ah,” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir Cosoble Cali
Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in wadamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ay iyaguna qaataan doorkooda, ayna soo farageliyaan xaaladda cakiran ee dalka waxaa loo baahan yahay in dowladaha saaxiibbada Soomaaliya iyo, haddii loo baahdo, dowladaha ay ciidamadu ka joogaan dalka ee ka tirsan Midowga Afrika (sida Uganda, Kenya, Jabuuti iyo Burundi) ay qaataan doorkooda dammaanad-qaadka siyaasadeed, maadaama amniga ay naftooda u hurayaa,” ayuu sii raaciyay
Dhankiisa Xoghayaha Golaha Mustaqbalka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa shalay sheegay inay horay u socdeen wada-hadallo u dhexeeyay kooxda Villa Soomaaliya iyo dhinacyada kala duwan ee mucaaradka, kuwaas oo marayay meel xasaasi ah, isla markaana loo ballansanaa bisha soo socota ee Nofeembar, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyay Koofi ayaa sidoo kale xusay in gogosha cusub ee uu dhigay Madaxweynaha ay u arkaan mid lagu carqaladeynayo wahada-hadalladii horay u dhacay ee ay garwadeenka ka ahayd beesha caalamka
Waxaase uu intaas ku daray in goluhu wada-tashi uu ka yeelanayo arrintaasi si kastaba, Gogosha Madaxweynuhu fidiyay ayaa ku soo aaday xilli ay weli taagan tahay kala aragti duwanaansho u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadallo hore oo muddo soo socday, kuwaas oo aan lagu gaarin heshiis wax ku ool ah


0 Comments