Mucaaradka oo ka digay ciidan lagu arkay xaafadahooda

Mucaaradka Dowladda

Xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta

 Xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta ayaa digniin culus kasoo saaray ciidamo ‘lagu arkay aggaarka xaafadaha ay dagan yihiin ee aaga hoteel Jasiira’ ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhaq-dhaqaaq laga dareemay halkaasi Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo wata gaadiidka dagaalka la geeyay aagga laami yaraha Zoobe iyo aagga waddada garoonka Aadan Cadde, taas oo keentay walaac xooggan oo ku aadan xaaladda soo korortay iyo dhaq-dhaqaaqa ciidankaasi

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif SheekH Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa daan-daansi ku tilmaamay abaabulka ciidan ee ay waddo dowladda, isaga oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa si gaar ah u cambaareeyay tallaabooyin uu sheegay in lagu khal-khalgelinayo amniga iyo wada-hadallada u socda mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo xisbigu sheegay in arrintan ay dhaawici karto dowladnimada Soomaaliya

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si dhow ula socdaa daan-daansiga

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si dhow ula socdaa daan-daansiga, xasarad abuurrka, hurrinta colaado sokeeye iyo abaabulka ciidamo si gaar ah uga amar qaata Madaxweynaha sharc-darrada ku jooga Villa Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu Xisbigu cambaareynayaa tallaabooyinka qaar iska tuurka ah oo lagu khal-khalgelinayo bulshada caasimadda, laguna carqaladeynayo wadahadallada siyaasadeed, islamarkaana dib u celin karta dowladnimada jilicsan ee aan haysano,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

Waxaa kale oo uu bayaanka kusii daray “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu qaadi doono mas’uuliyadda iyo cawaaqib-xumo kasta oo ka dhalata duullaan lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta dhanka kale, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu saraakiisha iyo ciidanka qaranka uga digay qaadashada amarro baal-marsan dowladnimada oo lagu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo jeediyay in si deg-deg ah looga heshiiyo muranka ka taagan doorashada, wuxuuna sidoo kale madaxweynaha ugu baaqay inuu ka waantoobo qalalaase dagaal oo aan la ogayn natiijadiisu meesha ay ku dhammaanayso xisbiga Himilo Qaran wuxuu xalka u arkaa in si deg deg ah looga heshiiyo doorashada dalka, si loo helo hay’ad dowladeed oo haysta sharciyad iyo kalsoonida ummadda Soomaaliyeed

Wuxuuna xisbigu ugu yeerayaa madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud in uu ka waantoobo qalalaase dagaal oo aan la ogayn natiijadiisu meesha ay ku dhammaanayso, taas beddelkeedana uu diiradda saaro heshiis siyaasadeed oo dhab ah, kuna saabsan arrimaha doorashooyinka oo ah dariiqa keliya ee dalka lagu samatabixin karo,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka

Post a Comment

0 Comments