Xulka Soomaaliya ee U17 oo wajahaya Uganda, kaddib markii uu xaqiijiyay booskiisa finalka

Xulka Soomaaliya

Xulka qaranka Soomaaliya ee da'doodu ka hooseyso 17-ka

 Xulka qaranka Soomaaliya ee da'doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka tartanka CECAFA U17 ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika 2026, kaddib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen xulka Rwanda, ciyaar xiiso badan oo ka dhacday wareegga afar-dhamaadka tartanka Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay barbarro 1-1 ah

Waxaana labada xul lagu kala saaray rigoorayaal

Waxaana labada xul lagu kala saaray rigoorayaal, halkaas oo xulka Soomaaliya uu ku badiyay 5-4, isaga oo xaqiijiyay booskiisa finalka tartanka xulka loo yaqaan Ocean Stars ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay ciyaar ay ka muuqatay isku-duubni, xirfad iyo adkaysi, taas oo u suurtagelisay inuu ka gudbo caqabaddii Rwanda, isla markaana uu hal tallaabo u soo dhowaado hanashada koobka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa hambalyo u diray ciyaartoyda, iyaga oo ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay u difaaceen sharafta iyo sumcadda calanka Soomaaliyeed

Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa kulanka kama dambaysta ah ee tartanka, kaas oo ay 19-ka Oktoobar la ciyaari doonto dhiggeeda Uganda. Xulka Soomaaliya ayaa hore ugu guuleystay koobkan sannadkii 2022, waxaana uu hadda fursad u haystaa inuu mar kale taariikh ka sameeyo tartanka

Guusha laga gaaray Rwanda ayaa sare u qaadaysa rajada taageerayaasha Soomaaliyeed, kuwaas oo sugaya in da'yarta Ocean Stars ay finalka ka soo hoyaan guul kale oo ay ku hanan karaan horyaalka gobolka

Post a Comment

0 Comments