Jubbaland oo baaraysa laba kiis oo dil ah oo lagu tuhunsan yahay haween lagu eedeeyay inay sun ku dileen raggooda

Jubbaland

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubbaland

 Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubbaland iyo Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa baaritaanno ka sameeyay deegaannada Cabdalle Biroole iyo Buula-xaaji, kuwaas oo la xiriira laba kiis oo dil ah Wafdiga baaritaanka sameeyay waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubbaland, Cabdishukri Maxamuud Golos

Waxaana ku weheliyay Taliyaha Hoggaanka Baarista

Waxaana ku weheliyay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), Captain Cumar Xujaale Cabdi, iyo Agaasimaha Xafiiska Xeer-ilaalinta, Maxamed Cismaan Cali labada kiis ayaa la xiriira dilal ka dhacay duleedka deegaannada Cabdalle Biroole iyo Buula-xaaji, iyadoo laba haween ah lagu tuhunsan yahay inay sun u adeegsadeen dilka raggooda, sida lagu sheegay xogta laga bixiyay baaritaannada

Hay’adaha amniga iyo garsoorka ayaa intii uu socday

Hay’adaha amniga iyo garsoorka ayaa intii uu socday howlgalka ururiyay agab loo tuhunsan yahay inuu la xiriiray falalka dilka, sidoo kalena wareystay dad la rumeysan yahay inay hayaan xog muhiim ah oo ku saabsan dhacdooyinka

Baaritaannada ayaa lagu soo warramay inay si nabad ah ku dhammaadeen, iyadoo aan la shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda tuhmanayaasha ama tallaabooyinka sharci ee xiga

Post a Comment

0 Comments