Falanqeeye arrimaha amniga ah ayaa walaac xooggan
Falanqeeye arrimaha amniga ah ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda meydadka askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu dilay dagaalkii 26-kii October ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Bay, iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah meydadka askarta ay weli waddooyinka yaalleen 10 maalmood kaddib dagaalka
Samira Gaid, oo ah falanqeeye amni oo madax ka ah
Samira Gaid, oo ah falanqeeye amni oo madax ka ah hay’adda Balqiis Insights, ayaa hoggaanka siyaasadeed ee dalka ku dhaliishay sida loola tacaalay meydadka askarta ku dhimatay dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab qoraal ay ku baahisay barta X ayay ku sheegtay in ay tahay arrin murugo leh in askar naftooda ku waayay dagaal ay dowladda u dirtay ay meydadkoodu weli waddooyinka yaallaan
Halka madaxda siyaasadeed ay ku mashquulsan yihiin
Halka madaxda siyaasadeed ay ku mashquulsan yihiin munaasabado iyo dabaaldegyo Gaid ayaa ugu baaqday shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay ka shaqeeyaan in askarta dhimatay la aaso, lana ilaaliyo karaamada meydadkooda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan
Dagaalkii 26-kii October ka dhacay deegaanka Jameeco ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada tobannaan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda laba askari oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in khasaaro xooggan uu dagaalka ka soo gaaray ciidamada dowladda. Mid ka mid ah askarta oo lagu magacaabo Axmed ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay daadgureynta meydadka 40 askari iyo in ka badan 100 askari oo dhaawacmay, kuwaas oo loo qaaday isbitaallada Muqdisho
Askari kale oo lagu magacaabo Faarax ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay dagaalka u adeegsadeen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo burburiyay shan gaari oo milatari, isla markaana sababay dhimashada askar badan Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa 27-kii October sheegtay in ciidamada dowladda ay dagaalka ku dileen ku dhowaad 75 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, halka 56 kalena ay dhaawaceen
Wasaaraddu waxay xaqiijisay in Al-Shabaab ay adeegsatay gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay, balse ma aysan shaacin tirada khasaaraha ciidamada dowladda ka soo gaaray dagaalka


0 Comments