Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa soo bandhigay shan qodob oo uu sheegay inay saldhig u noqon karaan badbaadinta iyo dib-u-dhiska Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo khilaafaad siyaasadeed iyo caqabado la xiriira dowlad-dhiska
Qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ayuu Cabdi Faarax
Qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ayuu Cabdi Faarax Shirdoon ku sheegay in mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya uu ku dhismi karo dastuur ku salaysan heshiis iyo is-afgarad qaran, dib-u-heshiisiin dhab ah, amni waara, midnimo qaran iyo dhismaha hay'ado dowladeed oo awood u leh inay si hufan oo daahfuran u gutaan waajibaadkooda
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa carrabka ku adkeeyey
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dastuurka dalka lagu saleeyo heshiis ay Soomaalidu wada oggol yihiin, isagoo sidoo kale tilmaamay in dib-u-heshiisiin dhab ah ay lagama maarmaan u tahay soo celinta kalsoonida iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed
Wuxuu sidoo kale xusay in amniga waara iyo midnimada qaranku ay yihiin tiirar muhiim u ah jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo shaqaynaysa, halka hay'adaha dowladda loo baahan yahay inay yeeshaan awoodda iyo madax-bannaanida lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkooda Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in shantan qodob ay si wadajir ah u dhisayaan aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo shaqaynaysa
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka taagan yihiin dooddo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka


0 Comments