Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad oo maalmihii ugu dambeeyay kulamo ka waday gudaha magaalada Muqdisho ayaa arrimo xasaasi ah ka hadlay kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Mahad Salaad ayaa si gaar gaar ah dhinacyada mucaaradka ugala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka
Isaga oo gaarsiiyay farriin uu ka siday Madaxweynaha
Isaga oo gaarsiiyay farriin uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan casuumaad u diray Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadtshi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar, 2026
Ugu horreyn Taliyaha NISA ayaa mucaraadka usoo jeediyay
Ugu horreyn Taliyaha NISA ayaa mucaraadka usoo jeediyay in la aqbalo gogosho uu dhigay Madaxweynaha, si wada-hadal looga galo arrinta doorashada oo ay dowladdu qorsheysay inay qabsoonto 15-ka bisha Abriil ee sannadka soo socda ee 2027 sidoo kale, Mahad Salaad ayaa xubnaha mucaaradka ee uu la kulmay gaarsiiyay in xaalka dalka uu ku sugan yahay culays amn,i ayna muhiim tahay in dalka doorasho ka qabsoonto
Dhawaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka jawaabay gogosha uu dhigay Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in aan xal buuxa la gaari karin, haddii aan la hein dhex-dhexaadin caalami ah, iyaga oo dalbaday in wada-hadallada cusub ay goobjoog ahaadaan wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha magaaada Muqdisho, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ah golaha
Xidhibaanka ayaa ku eedeeyay Villa Somalia in ay dooneyso inay ku adkeysato mowqifkeeda doorashada, iyaguna ay rabaan in si daah-furan looga wada-hadlo hannaan doorasho oo loo dhanyahay si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah, iyada oo ay jirto kala qaybsanaan baahsan oo u dhexeysa dhinacyada mucaaradka iyo madaxda dowladda, kuwaas oo isku fahmi la’ hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah


0 Comments