Soomaaliya oo aan weli la hayn hannaan beddela doorkii Qaramada Midoobay ee dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed

Soomaaliya

Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cusub

 Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cusub kaddib markii Qaramada Midoobay ay soo afjartay hawlgalkii siyaasadeed ee ay dalka ka waday in ka badan soddon sano, iyadoo aan weli la isku raacin hannaan kale oo beddela doorkii ay hay'addu ku lahayd dhexdhexaadinta khilaafaadka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka hawlgalka Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa Sabtidii shalay soo afjaray shaqadiisa

Kaddib markii la dhammeystiray qorshe laba sano

Kaddib markii la dhammeystiray qorshe laba sano socday oo lagu wareejinayay waajibaadkiisa hay'adaha dowladda Soomaaliya iyo hay'adaha kale ee Qaramada Midoobay hawlgalka ayaa sannadihii uu Soomaaliya ka shaqeynayay door ka qaatay isu-soo-dhoweynta hoggaamiyeyaasha siyaasadda, fududeynta wada-hadallada iyo gaarista heshiisyada doorashooyinka, xilli dalka ay ka jireen khilaafaad la xiriira awood-qaybsiga iyo hannaanka dowlad-dhiska

Hase yeeshee, xiritaankiisa ayaa imanaya iyadoo dalka 

Hase yeeshee, xiritaankiisa ayaa imanaya iyadoo dalka uu weli wajahayo khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xil-haynta hay'adaha dowladda hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa diidan mowqifka dowladda ee ah in wax-ka-beddelka dastuurku u oggolaanayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo baarlamaanka inay xilka sii hayaan ilaa 2027

Halka dowladda ay ku adkeysanayso in tallaabadaasi waafaqsan tahay dastuurka warbixin ay baahisay Aljazeera ayaa sheegtay in aan weli la helin hannaan kale oo beddela doorkii dhexdhexaadinta ee Qaramada Midoobay, taasoo imaanaysa xilli khilaafaadka siyaasadeed ee dalka aan xal laga gaarin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mucaaradka ku casuumay wada-hadallo siyaasadeed, hase yeeshee kooxaha waaweyn ee mucaaradka ayaan weli xaqiijin inay ka qaybgalayaan kulamadaas

Dhanka kale, xiritaanka hawlgalkan ayaa daba socda sannado xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay uu mararka qaar xumaaday, iyadoo dowladda federaalku sannadkii 2024 si rasmi ah u codsatay in hawlgalka dalka laga soo afjaro, iyadoo ku eedeysay inuu faragelin ku sameeyo arrimaha siyaasadda gudaha

Inkastoo hawlgalkii siyaasadeed la soo afjaray, hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya gargaarka bani'aadamnimo iyo horumarinta ayaa weli sii joogi doona Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments