Yaa la wareegaya afar saldhig oo Muqdisho u dhow oo ay ka baxayaan Ugandeeska

Muqdisho

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika

 Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa qorsheynaya inay la wareegaan afar saldhig oo ku dhow Muqdisho, xilli Uganda ay bilowday inay Soomaaliya kala baxdo ciidamo ay ku keentay heshiis ay la gashay dowladda federaalka Qorshahan ayaa lagu sheegay warqad uu howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM 31-kii Oktoobar u diray Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taas oo ay heshay wakaaladda wararka Associated Press (AP).

Sida ay AP sheegtay, AUSSOM ayaa doonaya inuu saldhigyada 

Sida ay AP sheegtay, AUSSOM ayaa doonaya inuu saldhigyada Sabiid iyo Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo Nagaad la wareego inta lagu jiro isku-beddelka ciidamada ee bishan Nofeembar. Warqadda ayaa goobahaas ku tilmaantay kuwo muhiim u ah amniga caasimadda Ciidamada waxaa laga soo wareejinayaa magaalada xeebta ah ee Baraawe, oo qiyaastii 220 kiiloomitir koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho. Weli ma cadda cidda sugi doonta saldhigyada ay halkaas kaga tagayaan

Uganda ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay bilowday

Uganda ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay bilowday bixitaanka ciidamada ku joogay heshiiska labada dal, iyadoo sheegtay in dufcaddii koowaad ay durba dalka dib ugu laabatay howlgalka lagu saarayo ciidamada Soomaaliya ku jooga heshiisyada labada dal waxaa la soo gabagabeyn doonaa dhowrka maalmood ee soo socda,” ayuu afhayeenka militariga Uganda, Korneyl Chris Magezi, ku yiri bayaan uu soo saaray Isniintii

Magezi ayaa sheegay in dhammaan ciidamada Uganda, oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan AUSSOM, si tartiib ah Soomaaliya looga saari doono ugu dambeyn dhammaadka 2027 dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda walaac ka muujisay saameynta ka dhalan karta bixitaan degdeg ah xaaladdu hadda ma aha mid aad u daran, balse dhibaatooyin ayay abuuri kartaa haddii ciidamadoodu si kedis ah uga baxaan,” ayuu wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, u sheegay Reuters

Post a Comment

0 Comments