Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif
Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay tallaabooyinka ay dowladda federaalka ka waddo magaalada Muqdisho, gaar ahaan howlaha barakicinta iyo duminta guryaha ay degan yihiin shacabka Sheekh Shariif ayaa si gaar ah u weeraray Ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Ciidanka Madaxtooyada oo uu ku eedeeyay inay si toos ah uga qayb-qaadanayaan howlaha barakicinta iyo burburinta guryaha shacabka
Waxa soo kordhay waxaa weeyey Ciidanka Madaxtooyada
Waxa soo kordhay waxaa weeyey Ciidanka Madaxtooyada oo si toos ah uga qayb-qaadanaya barakicinta, waxaa kale oo la arkaayay cagaf-cagafyadii Ciidanka Xoogga Dalka oo dhulka lagu duminaayo,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in arrintan ay tahay mid laga xumaado, wuxuuna saraakiisha iyo ciidamada dowladda ugu baaqay inay ka fogaadaan ka qayb-qaadashada tallaabooyinka lagu beegsanayo dadka shacabka ah
Sheekha ayaa sidoo kale su’aal geliyay sababta ciidanka
Sheekha ayaa sidoo kale su’aal geliyay sababta ciidanka dowladda loogu adeegsanayo shacabka, xilli uu weli dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana qaar ay kasoo baxeen ciidamada war dadka xabadaha loogu talagalay kuwaan ma aha ee Shabaab maxaa usoo carartay marka la hortaagan yahay Khawaarijta? Marka la xabadeynayo shacabka geesi ayaa tahay, laguma celin karo, waa dadnimo xumo,” ayuu sii raaciyay Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad muran badan dhalisay oo la xiriirta howlaha burburinta, kadib markii uu howlgalka kusii fiday xaafado horleh oo ku yaallo magaalada Muqdisho
Si kastaba ha ahaatee, xaaladdu waxay u muuqataa inay faraha kasii baxayso, iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatooyinka ay shacabka magaalada Muqdisho kala kulmayaan barakicinta iyo burburinta guryaha ee isku marka socda

0 Comments