Somalia waxay u baahan tahay badbaado waayo xasan sheekh wuxuu geliyey hais weyn


Somalia

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheekh axmed

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheekh axmed ahna guddoomiyaha Golaha Musqtabalka ayaa su'aal geliyay sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay la wareegidda mas'uuliyadda amniga haddii ciidamada Midowga Afrika ay dalka ka baxaan Shariif oo Xalay ka hadlayay shir jaraa'id oo ay mucaaradku ku qabteem Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay qiimeyn dhab ah oo ku saabsan awoodda ciidamada Soomaaliya, xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka

Shariif ayaa uga digay in Soomaaliya ay wajahdo duruufo

Shariif ayaa uga digay in Somalia ay wajahdo duruufo la mid ah kuwii horseeday burburkii Afghanistan, isagoo ku dooday in heshiis la'aanta siyaasadeed iyo musuqmaasuqu ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla dalka sida uu sheegay, haddii aan wax laga qaban arrimahaas, waxay wiiqi karaan hay'adaha dowladda iyo awoodda ciidamada, islamarkaasna wuxuu ka digay in dalka loo sahlo inay la wareegaan Alshabaab

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam

 Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta ka hadlaayay magaalada Kismaayo ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay deegaannada Adhicadeeye iyo Jalalaqsi, isagoo ku tilmaamay dhacdooyin murugo leh oo aan loo baahnayn inay dhacaan madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka noocan ah ay qayb ka yihiin raadadka ka dhashay burburkii Somalia iyo faafitaanka hubka oo uu sheegay inuu gacanta u galay dad aan awood u lahayn inay qaadaan masuuliyadda isticmaalka hubka wuxuu xusay in arrintaasi ay sii kordhinayso khataraha amni iyo isku dhacyada soo noqnoqda ee ka dhaca dalka

Madoobe ayaa sheegay in Putland ay door muhiim ah ku lahayd dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka federaalka, isaga oo xusay in maamulkaasi lagu dhisay wada-tashi dhex maray isimmo, waxgarad iyo siyaasiyiin wuxuu ku baaqay in la dhowro nidaamkaas iyo xasilloonida deegaannada Puntland  Madaxweynaha Putland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ku tumatay dastuurkii lagu heshiiyay


Post a Comment

0 Comments