Cabdicasiis Lafta-gareen oo dacwo culus ka gudbiyay Xasan Sheekh iyo Jaamac

Cabdicasiis Lafta-gareen

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya

 Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dacwad culus u gudbiyay beesha caalamka, gaar ahaan dowladda Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD isagoo warqadda uu diray kusoo hadal qaaday xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed

Lafta-gareen ayaa marka hore cambaareeyay weerar 

Lafta-gareen ayaa marka hore cambaareeyay weerar uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa ay ku qaadeen Koonfur Galbeed,isagoo sheegay inay meesha ka saareen maamulkii uu hoggaaminayay oo uu ku tilmaamay mid sharci ah.Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xusay in weerarka ay ka qayb-qaateen diyaarado dagaal, welina ay duqeymo ka wadaan agagaarka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Weerarka milatari ee ciidamada federaalka ayaa socday

Weerarka milatari ee ciidamada federaalka ayaa socday lixdii bilood ee la soo dhaafay. Labadii bilood ee la soo dhaafay, diyaaradaha Cessna ayaa sidoo kale loo adeegsaday, taas oo lagu dilay dad rayid ah iyo xoolo,” ayuu ku yiri qoraalka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Diyaaraduhu waxay ku xareysan yihiin garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxaana weli loo adeegsanayaa duqaymaha

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday weerarkii ka dhacay guriga taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan ee degmada Dooow, isagoo sheegay in loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka F-16 ee dalka Turkiga, isla markaana ay amarka siiyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)

Weerar kale oo ka dhacay Doolow, waxaa fuliyay diyaaradaha F-16 ee dowladda Turkiga, kuwaas oo ku shaqaynayay amarka madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiye Jaamac, waxayna weerareen General Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan (General Shub),” ayaaa mar kale lagu yiri warqadda

Arrimahan ayuu tilmaamay inay khatar gelinayaan dadka rayidka ah, ayna wiiqayaan awoodda sharciga iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay saaxibada caalamiga ah inay cambaareeyaan ‘weerarka Koonfur Galbeed’ ayna sameeyaan baaritaan madaxbanaan, si loola xisaabtamo kuwii ka dambeeyay

Post a Comment

0 Comments