Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay 26-kii Oktoobar 2026 duqeeyeen fariisimaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ee deegaannada Leego War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Amniga Qaranka ayaa lagu sheegay in dowladda ay xaqiijinayso inaanay jirin wax weerar ah oo ay diyaaradaha dagaalka ama kuwa aan duuliyaha lahayn ee Turkigu si khaldan ugu bartilmaameedsadeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16
Wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan ee Turkigu ay 26-kii Oktoobar 2026 duqeymo ka geysteen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ee deegaanka Leego waa kuwo been abuur ah oo aan sal lahayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xaqiijinaysa inaysan jirin wax weerar ah oo ay diyaaradaha dagaalka ama kuwa aan duuliyaha lahayn ee Turkigu si khalad ah ugu bartilmaameedsadeen XDS." ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Amniga Qaranka
Dowladdu waxay sheegtay in xiriirka iskaashi ee Soomaaliya
Dowladdu waxay sheegtay in xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid istaraatiiji ah, kaas oo lagu xoojinayo dadaallada la-dagaallanka argagixisada, sugidda amniga iyo ilaalinta nabadda Sidoo kale, dowladda ayaa ugu baaqday warbaahinta iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed inay xogaha ka qaataan ilo rasmi ah oo dowladda ah
Kana feejignaadaan faafinta wararka aan raadka lahayn ee dhaawici kara kalsoonida shacabka iyo ciidamada amniga ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xaqiijinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.


0 Comments