Lafta-gareen oo la wareegay magaalo muhiim ah iyo taliye sare oo qarax lagu dilay

Lafta-gareen

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha

 Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo la sheegay inuu u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) Dagaalka oo saacado qaatay ayaa yimid, kadib markii ciidamada Lafta-gareen ay weerar ku qaadeen deegaankaas

Kadibna waxay dagaal la galayeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi

Kadibna waxay dagaal la galayeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi, iyada oo la soo wariyay in dagaalka uu gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac wararka ayaa sheegaya in ciidamada weerarka soo qaaday ee taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen ay la wareegeen Golweyn, waxaana weli xaaladdu tahay mid aad aad u kacsan Dhinaca kale, ciidamo gurmad ah oo uu hoggaaminayay taliyihii amniga ee Buulo mareer Cabdisalaan Qoobeey ayaa qarax miino lagula beegsaday halka loo yaqaano Atuunyo xilli ay gurmad u ahaayeen Golweyn

Waxaana halkaas ku dhintay taliyaha iyo qaar kamid ah

Waxaana halkaas ku dhintay taliyaha iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ilo wareedyo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaarigii uu saarnaa taliyaha, iyadoo  maydadka iyo dhaawacyada la gaarsiiyay magaalada Buulo-mareer oo ay markii horeba kasoo baxeen kolonyadu ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeellaha Hoose iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Golweyn iyo qaraxa loo dhigay ciidamada gurmadka u ahaa deegaankaas

Si looga difaaco ragga weerarka soo qaaday Horay ciidamada daacadda u ah Lafta-gareen ayaa weerarro uga fuliyay Baay iyo Bakool, iyaga oo deegaanno iyo degmooyin muhiim ah kala wareegay maamulka Aadan Madoobe

Post a Comment

0 Comments