Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay dib
Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay dib u cusbooneysiiso taageeradii ay siin jirtay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaddib markii ay horay u joojisay maalgelintii muhiimka u ahayd howlgalka, taas oo walaac xooggan ka abuurtay mustaqbalka ciidamada la dagaallama Al-Shabaab wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Axaddii shalay, 15-kii November 2026
Wakaaladda wararka AFP u xaqiijisay in Washington
Wakaaladda wararka AFP u xaqiijisay in Washington ay taageeri doonto muddo hal sano ah oo loogu kordhinayo waajibaadka Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) go’aankan ayaa ka dhigan dib-u-noqosho ku timid siyaasaddii hore ee Mareykanka
Kaas oo horay u hakiyay maalgelintii UNSOS
Kaas oo horay u hakiyay maalgelintii UNSOS, una qorsheeyay in xafiiskaasi gebi ahaanba howlgab noqdo dhammaadka sannadka 2027 UNSOS ayaa door muhiim ah ka qaata saadka iyo taageerada farsamo ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala, iyadoo la'aanteed ay adkaan lahayd sii socoshada howlgallada milatari
Mareykanka ayaa markii hore sabab uga dhigay hakinta taageerada horumar la'aanta dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab iyo khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ah ee dalka ka jira diblomaasi shisheeye oo arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya, kaas oo AFP la hadlay, ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta taageerada Mareykanka, balse sheegay in isbeddellada degdegga ah ee siyaasadda Washington ay abuureen jahawareer
Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan in Mareykanku uusan fursaddan uga faa'iideysan inuu cadaadis ku saaro dowladda Soomaaliya si wax looga qabto khilaafaadka siyaasadeed ee wiiqaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay sii cakirantay, kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ka qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare xilli maxkamaddu isu diyaarinaysay inay go'aan ka gaarto sharciyadda muddo kordhinta xilkiisa
Tallaabadaasi ayaa sii hurisay khilaafka kala dhexeeya mucaaradka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dhinaca kale, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa wajahaya caqabado amni iyo kuwo militari. Kooxda ayaa bishii hore sheegatay inay weerar gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay boqolaal askari oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, inkasta oo dowladda aysan shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi
Waxaa intaas dheer in Uganda, oo ah dalka ugu badan ee ciidamada ku biiriya howlgalka Midowga Afrika, ayaa sheegay inay ciidamadooda Soomaaliya kala bixi doonaan dhammaadka sannadka 2027, arrintaas oo walaac hor leh ku abuurtay qorshaha amni ee dalka mareykanka ayaa tan iyo 2007 Soomaaliya ku taageeray ku dhowaad laba bilyan oo doollar oo la xiriira howlgalada Qaramada Midoobay, halka in ka badan 1.6 bilyan oo doollar uu ku bixiyay ciidamada Afrikaanka ah ee dalka ka howlgala
Waxa kale oo uu boqolaal milyan oo doollar siiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo taageerada bani'aadannimo iyo horumarineed ay gaartay balaayiin doollar wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in dib u cusbooneysiinta taageerada UNSOS ay muhiim u tahay xakameynta khataraha amni ee Soomaaliya iyo ka hortagga in qalalaasaha dalka


0 Comments