Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ka arrinsanaya muranka doorashooyinka Soomaaliya

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam

 Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa qorsheynaya inuu maalmaha soo socda booqasho ku tago magaalada Garoowe, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono dhiggiisa Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, si ay uga arrinsadaan khilaafka siyaasadeed ee hareeyay hannaanka doorashooyinka Soomaaliya safarka Madoobe ayaa imaanaya xilli uu hakad galay dadaalkii lagu doonayay in magaalada Muqdisho lagu qabto shir siyaasadeed oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo qorshuhu ahaa

Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo qorshuhu ahaa inuu furmo 14-kii November, balse dib loo dhigay ilo xog-ogaal u ah qorshaha safarka ayaa u sheegay HOL in labada madaxweyne ay diiradda saari doonaan qaabka loo wajahayo doorashooyinka iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan siyaasadeed oo ay dhinacyadu ku heshiin karaan, kaas oo lagu maareeyo doorashooyinka soo socda 

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo 

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo dood ka qaba muddo-xileedka dhamaaday ee hay’adaha federaalka iyo jihada siyaasadeed ee dalka Puntland iyo Jubaland ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga horyimid qorshaha dowladda federaalka ee doorashooyinka, iyagoo ku baaqay in la helo heshiis siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrintani

Kulanka la filayo inuu Garoowe ka dhaco ayaa sidoo kale loo arkaa fursad ay labada maamul isku waafajin karaan mowqifyadooda siyaasadeed, gaar ahaan kaddib markii uu baaqday shirkii Muqdisho ee la doonayay inuu isu keeno dowladda federaalka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda

Dib-u-dhigista shirka Muqdisho ayaa timid iyadoo ay jiraan dhinacyo mucaarad ah oo qaadacay ka qaybgalka, mana jirto weli taariikh cusub oo loo cayimay kulankaas

Post a Comment

0 Comments