Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa si adag uga horyimid hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in magaalada Beledweyne ay noqoto caasimadda Hirshabeelle, isaga oo sheegay in madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uusan lahayn awood sharciyeed uu ku go'aamiyo arrin masiiri ah oo khusaysa bulshada maamulkaas
Sanbaloolshe oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook
Sanbaloolshe oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa kaga hadlay khudbaddii Xasan Sheekh uu shalay ka jeediyay magaalada Jowhar, ayaa sheegay in caasimadda Hirshabeelle aysan ahayn hadiyad uu madaxweynuhu siin karo reer Hiiraan, isla markaana aan lagu go'aamin karin ballanqaad siyaasadeed
Waxa uu tilmaamay in go'aanka caasimadda iyo mustaqbalka
Waxa uu tilmaamay in go'aanka caasimadda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Hirshabeelle ay tahay inay ka heshiiyaan bulshada maamulkaas, gaar ahaan dadka ka soo jeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isaga oo ku adkeystay in dowladda federaalka aysan faragelin ku samayn karin arrimaha u gaarka ah dowlad-goboleedyada
Sanbaloolshe ayaa sidoo kale Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu isagu qayb weyn ku lahaa abuurista khilaafka siyaasadeed ee Hirshabeelle, balse uusan hadda xal u noqon karin, isaga oo sheegay in madaxweynuhu iska indhatirayo tabashada reer Hiiraan, oo uu hormuud u yahay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan
Qoraalkiisa ayuu si gaar ah ugu dhaliilay laba arrimood oo uu sheegay inay ku jireen hadalkii madaxweynaha. Midda koowaad ayuu ku tilmaamay sawirka uu ka bixiyay bulshada Hiiraan, kaas oo uu Sambalooshe u fasirtay in dadka gobolka aan lagu kalsoonaan karin, loona baahan yahay cid dammaanad qaadda
Arrinta labaad ayuu ku sheegay isku milanka labada heer dowladeed ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada, isaga oo ku dooday in hab-dhaqankaasi uu sii fogeynayo xal siyaasadeed iyo midnimo laga gaaro Hirshabeelle
Ugu dambayn, Sanbaloolshe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay si madax-bannaan uga tashadaan aayahooda siyaasadeed, hoggaankooda iyo halka ay ka dhigayaan caasimadda maamulka, isaga oo ku adkeystay in go'aankaasi ku dhisnaado rabitaanka shacabka iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay


0 Comments