Dowladda Soomaaliya oo Laftagareen iyo Gen Shubka ku dartay liiska cunaqabataynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya

Guddiga Qaranka ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda 

 Guddiga Qaranka ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya ayaa liiska cunaqabataynta maaliyadeed ku daray 10 qof oo uu ku tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab Dadka magacyadooda la shaaciyey waxaa ku jira  madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), taliyihii hore ee ciidanka asluubta Soomaaliya, Gen. Mahad Shubka

Go’aanka oo maanta soo baxay ayaa dhigaya in la xayiro 

Go’aanka oo maanta soo baxay ayaa dhigaya in la xayiro hantida dadka liiska lagu daray, laga mamnuuco macaamillada maaliyadeed ee lala sameeyo, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) lagu wargeliyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab

Hase yeeshee, dukumentiga la soo bandhigay ma faahfaahin

Hase yeeshee, dukumentiga la soo bandhigay ma faahfaahin caddeymaha gaarka ah ee qof kasta lagu saleeyey go’aanka Laftagareen ayaa markii ugu horreysay hoggaanka Koonfur Galbeed loo doortay sannadkii 2018, wuxuuna xilka hayey illaa dhammaadkii Maarso 2026, markaas oo ay Dowladda Federalka talada si xoog ah talada ugala wareegtay, iyadoo Koonfur Galbeed ka dhistay maamul cusub.


Post a Comment

0 Comments